TALOOYIN: Arrin looga digey dadka taageersan qadiyadda dadka degaanka Laascaanood

0

(Hadalsame) 10 Feb 2023 – Dhallinyarooy abbaarteennu waa maamulka Somaliland iyo ciidanka Somaliland ee degaankeenna jooga iyo ciddii garabtaagan, xataa hadduu inna la dhashay.

Abbaarteennu qabiil ma aha. Dad badan oo aan dagaal innagu la jirin yaynaan furinta qasab ku keenin. Waa doqonnimo waxaasi. Kaaga darane, halgankeenna sumcaddiisa ayayba hoos u dhigaysaa.

Maamul dawlad sheeganaya adiga oo karbaashaya inaad isku sheegtid inaad qabiil la dagaallamaysid waa isqiimatir.

Wax ay innoo geysato mooyaane, waa dheef ah kama hayno beenta la faafinayo. Sidaynu u gacansarreyno baa mid wuxuu qoro waayay oo magacdoon ahi been innagu dhex tuurayaa markaasaa lala yaacayaa.

”Dhibtan aynu isu gaysanayno innaga daaya.”

Maato Hargeysa deggan waxyeellada loo geysto cidda dhibta ugu weyn ka soo gaadhaysaa waa dadka ay la deggan yihiin. Maalinta ay dhacdo aynu ku soo rogno xisaabta ee billaahi calaykum huuhaadan joojiya.

Kuwa Laascaanood jooga ee halganka u arka in waxan la faafiyo waxaan leeyahay: tabarta aad Facebook la joogtaan galiya ciidanka aad is-horfadhidaan. Nin dagaal dhab ah ku jiraa Facebook ma haleelo.

W; Q: Maxamed Yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media