LAASCAANOOD: 3 meelood oo durba looga adkaaday Maamulka Somaliland & Mid weli ka wareersan dadka degaanka

0

(Hadalsame) 09 Feb 2023 – Waxaa maalintii afraad galay dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood iyadoo magaalada laga maqlaya hubka ay iswaydaarsanayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka degaanka ee ku dagaallamayay halkaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay magaalada ka go’een biyihii kaddib markii goobtii kaydka biyaha ay waxyeello kasoo gaartey dagaalka. Waxaa sidoo kale sii kordhaya khasaaraha & barakaca ka dhashay dagaalka, xilli inta badan dadkii magaalada degganaa ay halkaasi iskaga carareen.

Ha yeeshee, marka dhanka caskariga oo aan weli lagu kala bixin laga soo tago, dhanka siyaasadda ayaad waxaad moodaysaa in durba 3 meelood oo muhim ah looga adkaaday Maamulka Somaliland.

1 – Maamulka Somaliland oo ah maamulka ugu guunsan Somalia marka la eego maamulladii dhismay kaddib burburkii, ayaa ilaa haatan ku guuldarraystay inuu sameeyo fan-hadal iyo mowqif kala cad oo ku aaddan dagaalka.

Mar waa kuwii sheegay inay ”garaaddada iyagu keeneen magaalada Laascaanood”, mar kale waa kuwii sheegay inay wada xaajood ogol yihiin, balse markale ayay misna sheegeen inay ”garaaddadu nabad-diid iyo argagixiso yihiin” iyo inay la dagaallamayaan argagixiso. Mar kale waxay sheegeen inay la dagaallamayaan ”argagixiso ay gadaal ka taageerayso Puntland. Nuxurku waa in Somaliland aysan weli go’aan fadhiya ka lahayn cidda ay la dagaallmayso.

2 – Siyaasadda gudaha iyo dibedda ayaa sidoo kale looga adkaaday Somaliland. Dhaqanka Sool waxay ku guulaysteen inay khaanad macquul ah geliyaan waxa ay doonayaan markii ay sheegeen inay toos u hoos tegayaan DF Somalia si ka duwan qaabka maamullada (Federal Territory).

DF Somalia iyaduna waxay soo saartay bayaan ay ku muujinayso inay dadkani xaq u leeyihiin inay aayohooda ka tashadaan. Sidoo kale, beesha caalamka ayaa soo saartay bayaan ay ku caddaysay inay dareensan tahay in waxyeello loo gaystey dadka rayidka ah oo si wadareeysan loo duqeeyey.

3 – Minankayga ii dhaaf – Tani waa midda nuxurka ugu muhiimsan u yeelaysa qaddiyadda dadka degaanka, waana gar Somaliland lafteeda sida ugu wanaagsan u qabanaysa marka lagu yiraahdo ”haddii aad adigu aaminsan tahay inaad xaq u leedahay inaad Somalia oo sharciyad aad uga mid noqotay ka goosato, maxaa aniga igu khasbaya inaan adiga kugu raaco maamul aan sharciyad ku dhisnayn ilaa maanta?”

Yeelkeede, waloow ay dadka degaanku 3-daa libood ee muhimka ah ay durba ku naalloonayaan, waxaa weli sixitaan uga baahan hal arrin oo weli ka wareersan, waana su’aasha ku aaddan ”Dagaalku ma mid qabiil baa mise waa mid Soomaaliyeed oo tusaale ahaan midnimo lagu raadinayo?”

Waxaa kale oo iyana muhim ah in laga fogaado in wadciga dagaalku uu u ekaado reer hebel oo meelo kala duwan iskaga habar wacday oo duullaan ku ah reer hebel, taas xitaa Somaliland ayaa laftooda looga baahan yahay inay iska jiraan si aan maamulkooda loogu arkin wax ay reer gaar ihi leeyihiin haddii ay u garramaan sidii reero is qabtay, balse sidoo kale, dadka degaanka ee haatan kula jira dagaalka Laascaanood ayay waajib ku tahay inay xirfadeeyaan siyaasaddooda, waayo dagaalku 20% ayuu ka yahay wareegga dhan, 80% waa siyaasad.

Tusaale, sababta ay Somaliland ilaa maanta u dhaqaaqi la’dahay tiiyoo ay ku guulaysatey inay qabsato degaan dhan, waxaa ugu wacan siyaasaddii arrintan lagu wajihi lahaa oo aan si wanaagsan oo waafiqi karta xeerarka caalamiga ah loo karinin, balse wax kasta lagu dhisay qiiro iyo maanta ayaan samayn karaa.

Reer Sool waa inay taa cashar ka qaataan oo iska ilaaliyaan wax kasta oo qiiro iyo qabyaalad mutaxan gelinaya qaddiyaddooda oo haatan waddo macquul ah ku socota marka la eego 3-da qodob ee sare.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media