”Sidani i anfici mayso” – Vinicius Jr oo furka xooray & Arrin culays ku haysa oo uu caal u doonayo

0

(Madrid) 08 Feb 2023 Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Vinicius Jr ayaa si isa soo taraya uga caraysan wax ka qabasho la’aanta Spain ee xadgudubyada cunsuriyadeed ee uu la kulmay dhowr jeer.

Isniintii Maamulka La Liga waxa ay soo gudbisay cabashadii lixaad ee rasmi ah ee ku saabsan tacaddiyada cunsurinimada ah ee soo gaarey qaar ka mid ah ciyaartooyga madowga ah ee Horyaalka Spain, laakiin ilaa hadda midkoodna shantii hore ma keenin wax ciqaab ah.

22 jirkan – oo uu taageere bartilmaameedsaday Axadii guuldarradii 1-0 ee kasoo gaartay Real Mallorca – waxa uu doonayaa ficil laakiin La Liga ayaa dareensan in awooddeedu ay ku xaddidan tahay ka warbixinta dhacdooyinka iyo u dirida caddayn maqal iyo muuqaal ah oo la gaarsiiyo Guddiga Kahortagga Rabshadaha ee Isbaanishka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud kuwaasoo kaddibna arrinta u sii mara maxkamadaha maxalliga ah.

Markii Vinicius lagu cunsuriyeeyey isla Mallorca xilli ciyaareedkii hore kiiska waa la xirey sababtoo ah xeer ilaaliyaha maxalliga ah ayaa ku dooday inuusan arkin caddayn ku filan in heesta daanyeerka iyo isticmaalka caayda ah: ‘tag oo soo qaado muus’ ay noqon karto sababo ku filan in lasii wado dacwadda.

Vinicius ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray horraantii xilli ciyaareedkan: ‘Cunsuuriyiintu wali waxay ku jiraan garoomada kooxda ugu wayn aduunka La Ligana waxba kama qabto.”

Hadalsame Media