DF Somalia oo komaandoos cusub tababar ugusoo xirtey Saldhigga Ballidoogle & Maraykanka oo hal arrin muujiyey + Sawirro

0

(Ballidoogle) 08 Feb 2023 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta gaarey Saldhigga Ciidamada Cirka ee Ballidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

RW Xamse ayaa halkaa tababarka ugu soo xirey tababar ciidamo cusub oo ku biiraya Kumaandooska Danab ee xoogga dalka, iyadoo loo iftiimiyey howlaha cusub iyo waajibaadka hor yaalla.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada, ayaa uu Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyey dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

RW Xamse ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka oo kaalin wayn ka qaadatay tababarka ciidankan doorka ay ku leedahay taageerada Ciidanka Xoogga Dalka oo dib u dhis lagu wado.

Waa markii ugu horreeysey ee uu Maraykanku si cad usoo bandhigo ciidan uu isagu tababaray oo markiiba lagu wareejinayo DF Somalia.

Hadalsame Media