Ciyaaryahan caanka ahaa EPL oo raq iyo ruux la la’yahay (Halkee dad ugu war dambaysey)

0

(Ankara) 08 Feb 2023 – Ciyaaryahankii hore Chelsea iyo Newcastle, Christian Atsu, oo u safta kooxda Turkiga ah ayaa la sheegay inaan raq iyo ruux toona lagu haynin oo laga waayey isbitaalkii la sheegay in la geeyey.

Atsu, oo u ciyaara Hatayspor, ayaa ayaa la fahamsan yahay in lagasoo badbaadiyey dhismo burbursan maalinimadii Isniintii kaddib dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.8 oo ka dhacay Turkiga iyo Suuriya.

Madaxwayne Xigeenka kooxda oo la yiraahdo Mustafa Ozat ayaa xaqiijiyey in Atsu laga soo saaray burburka isagoo dhaawac ah.

Dhaqtarka kooxda Hatayspor, Gurbey Kahveci, ayaa isna yiri: ”Markii aan maqalnay warka sheegaya “in loo qaaday Isbitaalka Dortyol”, waanu tagnay oo fiirinnay, laakiin ma uusan joogin halkaasi.”

“Waqtigan xaadirka ah waxaan aqbalnay in Savut Taner [Agaasimaha Isboortiga] ee kooxda iyo Christian Atsu aan weli la helin, nasiib darro.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media