”Imaanshaha Ronaldo waxay na saartay culays hor leh” – Laacib ka tirsan Al-Nassr oo afka furtay + Sababta

0

(Riyaad) 07 Feb 2023 – Cristiano Ronaldo ayaan weli saamayn wayn ku yeelan tan iyo markii uu ku biiray Al-Nassr  – iyadoo imaatinkiisa Saudi Arabia laga yaabo inuuba dhab ahaantii caqabad ku noqday kooxdan siyaabaha qaar, sida uu sheegay saaxiibkiis Luis Gustavo.

Ronaldo ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey Al-Nassr kulankiisii seddexaad Jimcihii iyadoo kooxda as Rudi Garcia ay barbarro 2-2 ah la gashay Al-Fateh. Laakiin rigoore daqiiqaddii ugu dambaysey uu dhaliyey xiddigooda ku fadhiya £172milyan oo ginni ayay guuldarro uga baxsadeen, balse 2 kulan oo ka horreeyey waxba ma dhalin, iyadoo culaysba loo arko haatan.

Xidiggii hore ee khadka dhexe ee Bayern Munich, Gustavo, ayaa aaminsan in taasi qayb ahaan ay sabab u tahay joogitaankiisa uu keenay in kooxaha wajahaya kooxda Al-Nassr ay bandhiggooda kordhiyaan marka ay iyaga la ciyaarayaan, si ay uga jejebiyaan.

Wuxuu u sheegay RT Arabic: “Xaqiiqdii, joogitaanka Cristiano waxay nagu adkaynaysaa xaaladda, imaadaama dhammaan kooxaha nala ciyaarayaa ay raadinayaan inay ula ciyaaraan isaga sida ugu wanaagsan, wuxuuna qof walba oo naga horjeeda ay taasi siinaysaa dhiirigelin.”

Gustavo ayaase qiray in sidoo kale ay anfacday imaanshiyaha Ronaldo oo uu sheegay inuu siiyo khibrad badan wax badanna ay ka kororsadaan maadaama uu leeyahay awoodo aan caadi ahayn, tan iyo markii uu uga soo biiray dhanka Manchester United.

Hadalsame Media