Taageerayaasha Al-Nassr oo u kala hiilliyey Ronaldo & Macallinka kooxdaasi ee Rudi Garcia (Yay la safteen?)

0

(Riyaad) 05 Feb 2023 – Kooxda Sucuudiga ah ee Al-Nassr ayaa wajahaysa xaalad aysan ka filaynin kooxdooda oo mushaharka ugu badan oo laacib ciyaaraha kubadda cagta kusoo qaadatay laacibka Ronaldo.

Taageerayaasha kooxda Al-Nassr ayaa haatan cadaadis saaraya tababare Rudi Garcia kadib markii ay ku guuldarraysteen inay badiyaan markii labaad oo xiriir ah, welibana guuldarro dirqi uga baxsaday kulankii ugu dambeeyey.

Macalinka reer France ayaa bishii Juun ee sanadkii hore loo magacaabay xilka macallinnimo ee kooxda boqortooyada Sacuudiga, waxaana uu weli ku guda jiraa xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay.

Wuxuuna kulankii Al-Itixaad ka badisay uu si cad eedda u saaray Ronaldo, balse haatan waxaa tillaabo qaaday oo soo jawaabey taageerayaasha oo farta ku fiiqay halka eelku uu jiro, sida ay la tahay.

Taageerayaasha ayaa baraha bulshada aad diiradda ugy saaray qaab ciyaareedka tababaraha. Mid ka mid ah taageerayaashiisa ayaa yiri: “Waxba ma qabanaysid, Tali ayaa ku badbaadiya ciyaar kasta, haddana wuu maqan yahay. Aan aragno sida aad isu badbaadin karto isaga la’aantiisa ciyaarta xigta! SHAQADAADA qabso”.

Mid kale ayaa soo qoray: “Gacalle, heerka kooxdu wuxuu sii wadaa inuu hoos u dhaco , aad ayay u caddahay in ciyaartooyda uu saaran yahay cadaadis wayn . Dhammaanteen waan aragnaa marka ciyaartooydu ay kubbadda isku dhiibayaan, waxaad u baahan tahay inaad wax ka qabato arrintan.”

Qaar kale ayaa ku raacay, oo soo tweet gareeyey: “Kooxdu aad ayay kuugu dhibtoonaysaa adiga! Xalna ma haysid! Koox la aqoonsan karo ma aha! Shakhsiyad ma laha! Ciyaar kastaa waxay ku bilaabataa saf ka duwan kii hore Rudy, xalkii ma tihid adigu, kooxdu aad bay u xun tahay!!”

Mid afraad ayaa si kooban ugu qayliyey: “KA tag meesha, ku dooni mayno!” Kahor inta uusan mid shanaad ku jawaabin: “Sida dhacday Super Cup-kii, Rudi Garcia isagaa na dhaafiyey natiijadii ciyaarta.”

Hadalsame Media