Saxaafadda Kenya oo soo qaadatay arrinta Fahmo Fiican & Dowladda Kenya oo ay la xiriirtey (Daawo)

0

(Nairobi) 05 Feb 2023 – Fahmo Fiican oo horay loogula soo tacadiyey magaalada Muqdisho ee dalka Somalia oo muuqaallo fuxshi ah oo laga duubay baraha bulshada lagu faafiyey saasoo ay yeeleen dad rakaataynayey, ayaa mar kale tacaddi kula kulantay dalka Nairobi, Kenya.

Haatan, waxaa sheekada Fahmo ay soo gaartey warbaahinta ugu afka dheer dalka Kenya oo shaacisay kiiskeeda, gaar ahaan hilinka caanka ah ee Nation TV, iyadoo haatan magangelyo rasmi ah waydiisatey Dowladda Kenya.

Fahmo oo 22-jir ah, ayaa TV-ga u sheegtay inay arrintan darteed ay Somalia uga soo carartay, balse markii ay Nairobi timid mar kale la weeraray oo si xun loo waxyeelleeyey.

Waxay kale oo ay Fahmo sheegtay in markii ay Nairobi timid ay halkii ay kaalmo ka heli lahayd dadkii qaraabada la ahaa la dayriyey oo aan garab la siinin.

Waxay kale oo ay sheegtay in xitaa markii la xirey lasii daayey dadkii iyada weerarka dhaawacyada gaarsiiyey u gaystey, balse iyada xabsiga lagu sii hayey, iyadoo xustay inaysan hal meel muddo xiriir ah joogi karin cabsi ay ka qabto in lasoo weeraro.

Hadalsame Media