”Jawaab ayaan ka bixin doonnaa” – Shiinaha oo si caro leh uga hadlay buufinkii lasoo ridey & Maraykanka oo wax ka baaraya

0

(Hadalsame) 05 Feb 2023 – Ciidamada Maraykanka ayaa soo ridey buufinkii “basaaska” lagu sheegay ee Shiinaha oo marayey Badwaynta Atlantic.

Xilli uu buufinku ku sugnaa meel ka baxsan xeebta gobolka South Carolina iyadoo markii hore lagu dul arkay hawada Montana, ayaa waxaa toogtey diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka goor aan fogayn, sida ay sheegeen ilo-wareedyo uu ku jiro Fox News ah. Halkan kasii aqri.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha ayaa dhaleeceysay isla Sabtidii duqaynta buufinta, iyada oo muujisay sida ay Beijing uga xun tahay ugana soo horjeeddo isticmaalka xoogga ee Maraykanku uu ku weeraray markab.cireedkan rayidka ah ee aan cidina wadin.

Waxay ku dhaleecaysay Maraykanka samaynta “falcelin xad dhaaf ah iyo xadgudub ba’an oo ka dhan ah hab-dhaqanka caalamiga ah” waxayna tiri “waxay si adag ugu dadaali doontaa ilaalin doontaa xuquuqda sharciga ah iyo danaha shirkadda iska leh, islamarkaana waxay bixin doontaa jawaabo kale oo lagama maarmaan ah”.

Qoraalka hoose waxaa dhacdadan isna ka sameeyey siyaasiga CCW:

Maanta dunida waxaa ugu hadal hayn badan waa Maraykanka oo soo riday Buufin uu sheegay in uu basaas Shiinaha leeyahay ahaa, halka ay Shiinuhu sheegeen in Buufinka uu samaynayey cilmi baaris la xariirta saadaasha hawada, si qasab ahna dabayshu jidkii kaga leexisay.

Buufinka ayaa waxaa ku rakiban isgaarsiin casri ah, kaamarooyin, raadaarro iyo sansaro. Maraykanka ayaa sheegay in gobolka Montana oo hoy u ah kaydka hubka Nukliyeerka Maraykanka uu Buufinku shaqo basaasnimo u dul-sabeynayay.

Washington waxay raadinaysaa haraagii Buufinka si ay u helaan xogta Tiknoolajiyadda uu ka samaynsan yahay iyo hawsha uu hawadooda ka hayey.

Maanta tartanka Tiknoolajiyadda dunida wuxuu u jihaysatay waxa loogu yeeray caqliga samayska ah (Artificial Intelligence). Horay way u jireen gaadiid (diyaarad, gaari, tareen aan cidna wadin), adeegyo ay mashiinno kaligood kuu qabanayaan gaar ahaan adeegga maaliyadeed, safarka iyo waxbarashada, waxaase cilmiga caqliga samayska ah (artificial intelligence) ku soo kordhay in Bayoolijigii iyo Tiknoolajiyadii la is baray, oo biotech uu sahlay in habdhaqanka (behaviour) caafimaadka (Health) dooqa (test), caadhifada (emotions) bani’aadamka lagu ogaado caqliga samayska ah.

Waa tan keentay in haddii aad Facebook, TikTok, ama YouTube mar wax ka isticmaasho boqollaal wax oo la nooc ah uu markasta ku hor keenaya.

Haddaba cuntooyinka aad gadato, dharka aad ku labisato, cudurrada aad iska dawayso, dadka aad sheeko wadaagga tihiin, goobaha aad ku cawayso, daynta laguugu leeyahay, hantida aad haysato, waxa aad daawato, xilliga aad soo toosto, nashaadka aad maalinti qabato oo la isku geeyey ayaa caqliga samayska (AI) siinaya qofka aad tahay.

Dunida dadkeedu caqligii dabiiciga ahaa hawlgelisay ayaa caqli samays ah ka shaqaysiisay. Laakiin dunida aan dadkeedu caqligii dabiiciga ah weli hawlgelin, way ku adagtahay in ay tartanka caqliga samayska ah ka qayb-qaadato. Bulshadeena caadhifada ayaa weli caqliga ka tan badan.

W; D: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hadalsame Media