Arrin keentay halis istaraatiji ah oo ay Itoobiya Somalia ku hayso oo ay ka gaabsato Xukuumad kasta oo dalka soo marta + Sawirro

0

(Muqdisho) 04 Feb 2023Waxaa jirta arrin ay muddaba iska indha tirayeen dowladihii dalka soo maray xilliyadii burburka kaddib, waloow qaarkood looba garaabi karey oo aanay awood u lahayn inay wax ka qabtaan arrintan oo halis amni iyo mid istaraatiji ah ku haysa Somalia.

Waxay arrintaasi ku saabsan tahay in webiyada Somalia labada ugu waawayn ay sanadihii dambe ay caado noqotay inay guraan ama ay aad u biyo yareeyaan, weliba midka Shabeelle wuxuu xilliyada qaar isu rogaa gelgelin caadi ah.

Arrimahan oo kale waa waxyaabaha ay dalalkuba dowladaha u samaystaan si looga wada hadlo maadaama ay tahay arrin laba dal ka xaajoon karaan, sababtuna waa inay Itoobiya biyo-xireenno badan ka samaysay dhulalkii sare ee ay webiyadani kasoo rogmanayeen.

Tusaale, Saldhigga Tamarta ee Biyo-xireenka Genale Dawa III, sidoo kalena loo yaqaan GD-3, waa xarun korontada laga dhaliyo biyaha Webiga Ganaale Doria ee Itoobiya, waxaana hirgeliyey Shiinaha.

Dhismaha biyo-xireenkani waxa uu bilaabmay bishii Maarso 2011-kii, wuxuuna rasmiyan u howlgalay Febraayo 2020-kii, intii uu joogey nidaamkii Farmaajo.

Yeelkeede, Farmaajo walaa madaxdii kasii horreeysey midkoodna Itoobiya kalama hadlin arrintan oo Webiga Somalia ugu wayn ee Jubba ka dhigtay sidii dur dur mar mar uun biyo keena, halka Shabeelle uu kaba sii daran yahay.

Ganaale oo biyo-xireenkan la saaray ayaa ka mid ah 3 webi oo inta isku biira marka ay xad-beenaadka Somalia-Itoobiya marayaan kaddib isku noqda hal webi oo u qulqula dhanka Somalia, kaasoo ah Jubba.

Nasiib xumo, madaxda Somalia marka qura ee ay biyaha Itoobiya ka bilowda ka hadlaan waa marka ay Masar doonayso inay Somalia ku mashquuliso Itoobiya sidii ka muuqatey hadalkii uu Siisii ka sheegay shirka jaraa’id ee MW Somalia oo isagoo taagan lagu kaarta baxay, waloow ay madaxtooyadu markii dambe inkirtay, misna markale inkirtay inay inkirtay.

 

Hadalsame Media