Vinicius Jr oo mudaaharaad cajiib ah ku sameeyey shirkadda NIKE (Eedda uu tirsanayo?)

0

(Madrid) 03 Feb 2021 – Xidigga kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa ka mudaaharaaday shirkadda agabka isboortiga samaysa ee Nike ee uu iidhehda u sameeyo isagoo xirtey kabo madow ah oo bilaa calaamad ah kulankii Valencia.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa haatan u halgamaya sidii uu usoo afjari lahaa heshiiskii 10-ka sano ahaa ee uu kula jirey shirkadda Maraykanka ah, in kasta oo aanu jirin qodob uu ku fasiqi karo heshiiska.

Si kastaba ha ahaatee, Vinicius Jr, ayaa arrintan isku dayaya inuu iskii wax uga qabto isagoo gegada Bernabeu habeenkii Khamiista ka sameeyey mudaaharaad shakhsi ah oo cajiib ah soo xirtay kabo madow oo aan wadan wax astaan shirkadeed ah qaybtii hore ee ciyaarta.

Wiilkan ayaa xirnaa kabo duug ah oo ah nooca Nike Mercurial ah fasalkii ay Real Madrid ku guulaysanaysey Koobka Horyaallada Yurub xiliciyaareedkii hore waxana uu weeraryahankani Nike ka doonayaa inay siiso aqoonsi dheeraad ah iyo qiimayn muujinaysa inuu ka mid yahay xiddigaha ugu waawayn.

Si kastaba, 22-sano jirkan ayaa bedelay kabihiisa qaybtii labaad ee ciyaartii Valencia isagoo soo xirtey kabaha jaallaha ah ee Nike.

Qandaraaska uu kula jiro Nike ayaa taxnaan doona ilaa 2028 isagoo markii ugu horreeysey la heshiiyey 2013, isagoo xilligaa 13-jir uun ahaa. Wuxuu sanadkii ka qaataa £7milyan oo gini, balse kororsi ayuu doonayaa.

Hadalsame Media