(Rabaad) 03 Feb 2021 – Wiilkii reer Morooko ee Rayaan kaas oo ku dhacay god aad u dheeraa oo laga soo saari kari waayey.
Dhacdadaas oo noqotay mid murugo ku noqotay Caalamka gaar ahaanna waalidkii oo waayey wiilkii ay dhaleen.
Sannadka ka dib, waxa maalintiii shalay wuxu Ilaahay Rayaan labadiisi waalid ku arsaaqay wiil kale oo shalay ugu dhashay magaalada Tadaawan ee Waqooyiga Morooko.
Qoyska ayaa si weyn ugu farxay dhalashada wiilkan cusub ee uu Ilaahay ugu deeqay.
Sannad ka hor waxay u murugsanaayeen waayitaanka wiilkoodii Rayaan, sannadkana waxay u dabaal degayaan soo dhowaynta wiilka cusub.
W; D: Khaalid Foodhaadhi
Hadalsame Media
Facebook Comments