Xaalad cusub oo soo wajahdey kooxda Juventus (Cadaadis nooc ah oo la saaray)

0

(Torino) 02 Feb 2023Ciyaartooyda Juventus ayaa la sheegaya inay doonayaan inay la kulmaan agaasimayaasha cusub ee kooxda si ay ugu sheegaan dareenkooda ku aadan xaaladda ay kooxdu haatan muquuranayso.

Camaaliqada Serie A ayaa waxaa bishii hore gilgishey markii 15 dhibcood ay ka jartay maxkamada kubbada cagta Talyaaniga markii baaritaan lagu sameeyay heshiisyadooda suuqa kala iibsiga.

Dacwad Oogaha ayaa ku eedeeyey Juventus inay si khaldan u soo bandhigtay khasaarihii maaliyadeed ee dhacay intii u dhaxaysey 2018 ilaa 2020, gaar ahaan lacagta lagu sheegay mid iibinta ciyaartooyda, waxaana markii danbe lagu xukumay ciqaab adag taasoo keentay inay ka soo dhacaan afarta sare oo ay galaan qaybta dhexe ee jadwalka.

Xiddigo dhowr ah ayaa ka welwelsan xaaladahooda qandaraaska, iyadoo dhowr ciyaaryahan ay hadda galeen lixdii bilood ee ugu dambeeyey heshiisyadooda.

Naadiga ayaa Weston McKennie u diray Leeds bishii hore, waxaana laga yaabaa inay u baahdaan inay sidaas oo kale ku sameeyaan ciyaartooy badan xagaaga soo aaddan si ay u yareeyaan dhibaatooyinka dhaqaale ee ay wajahayaan.

Hadalsame Media