Dhaqan halis ku ah inay ardaydu wax dalka anfacaya barato oo Somalia ka hirgalay (Arrin aan lagu baraarugsanayn)

0

(Hadalsame) 02 Feb 2023Dugsiyada iyo jaamacadaha dunida waxaa loo dhigtaa la gana fishaa in ay soo saaraan maskaxdii aqoonta iyo farsamada la hayo ku shaqayn lahayd is la markaa sii ambaqaadi lahayd, ee wax cusub soo kordhin lahayd.

Haddaba dugsiyada iyo jaamacadaha Soomaalida maanta maxaa loo dhigtaa maxaa se la ga fishaa? Aqoon iyo farsamo la ga shaqeeyo ma la hayaa, wax cusub se ma la soo saari karaa? Maya.

Markaa waxba la ma barto ee carruurta ayuun baa waqtiga iyo lacagta la ga lumiyaa. Ma jiraan siyaasad iyo qorshe, maamul iyo macallin, dan ka leh in dadka wax nafci leh la baro oo dalka la keeno aqoon midho dhasha oo waxsoosaar dambe yeelata.

Waxaa la gu maararoobaa macno la’aan ay ka mid yihiin International relations, Law, Politacal science… Bal u fiirso oo, intan oo aqoonood oo dunida cusubi ku dhisan tahay dalka ka ma jiraan, haddii qaarkood ka jiraanna waa magacuyaal.

Sababtu waa nimanka iskuullada iyo jaamacadaha leh iyo maamullada xaaraanta ah oo aan dan ka lahayn in ay maalgeliyaan aqoonahan oo u baahan macallimiin debedda la ga keeno:

Natural Sciences, Medicine Geology, and mining Technology, Information Technology, Electrical Engineering, and Computing Economics, Commerce, Philosophy, History IWM.

W; Q: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media