”Chelsea waxay farraqday £323m balse weli ma gaaraan Man City” – Qiimaynta khubarada ee Enzo Fernandez (2 laacib oo ka fiican?)

0

(London) 02 Feb 2023Khabiirka Danny Murphy ayaa ku andacoonaya in Chelsea lagala baxay surwaalka kaddib markii ay lacag aad u badan ku bixiyeen qiimaha ciyaartooyda ay soo iibsadeen suuqa Janaayo.

Chelsea ayaa suuqan oo qura ku shubtay lacag caddaan ah oo gaareysa £323milyan oo gini, iyadoo keensatay rag ay ka mid yihiin Mykhailo Mudryk ay ku soo iibsatay £88 milyan ginni iyo Benoit Badiashile oo ay ku iibsatay £35m oo uu ku yimid Stamford Bridge.

Laakiin ninka ay Blues maalintii ugu dambaysey suuqa ay bankiga u jebisey waa Enzo Fernandez kaas oo Chelsea ay Benfica ka siisay £107 milyan oo gini si ay u hesho xiddiga reer Argentina, kaasoo xiran doona funaanadda lambarka 5 oo uu xiran jirey Jorginho.

Murphy ayaa ku yiri talkSPORT: “Waxan u malaynayaa inay lacag ka badan inta ay u qalmaan ay ku bixiyaan ciyaartooyda, welina uma malaynayo in badi safkooda koowaad uu tegi karo meel u dhow kooxda City. Runrii ima cajabin mana la dhicin.”

Mar wax laga weydiiyey ku guulaystaha Koobka Adduunka ee Fernandez gaar ahaan kaddib markii uu rikoodhka Horyaalka Ingiriiska jebiyey soo iibsigiisu, Murphy wuxuu raaciyey: “Waxaan daawaday dhowr ka mid ah kulamadiisii si toos ah. Waa mid hufan, laakiin uma qalmo £100m oo gini.

“Waa ciyaaryahan fiican oo khad dhexe ah, adkaysi badan, da’yar, kubadda raadsada, waana geesinimo. Laakiin maaha Rodri, mana aha Casemiro.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media