Somaliland oo keentay qorshe sogordahan oo ay ciidan badan ku keenayso duleedka Laascaanood (Daawo)

0

(Hargaysa) 01 Feb 2023Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay ciidamadoodu ay dhoollatus lagu maamuusayo sanad-guuradoodii 29-aad ay ku qabanayaan Gobolka Sool.

Dhoollatuskan ayay sheegeen inuu weliba ka dhici doono duleedka magaalada Laascaanood ee ay iminka xiisaddu ka aloosan tahay, gaar ahaan degaanka Gooja Cadde, kaddib markii uu ka dhacay kacdoon shacbawi ah.

Sanad-guuradan oo ku beegan 2-da bishan Febraayo oo ah maalinta berritoole ah, ayaa waxaa tillaabadan loo fasirtay qaab ay Hargaysa ku doonayso inay ciidamo badan ku gayso aaggaasi, iyadoo aan si toos ah ugu ekaysiinayn ciidamo gurmad ah ama weerar ku ah Laascaanood.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreeysey ee dhoollatus iyo ciyaarsiiska ciidan uu Maamulka Somaliland ku qabto halkaasi, waxaana markii ugu horreeysey lagu qabtay 2017-kii.

Hadalsame Media