Somalia oo markale sagxadda ka istaagtey dalalka dunida ugu musuqa badan (Arrin uu sameeyey MW Somalia oo la tusmeeyey)

0

(Hadalsame) 01 Feb 2023Hay’adda Transparency International ayaa soo saartay qiimaynteeda heerka musuq-maasuqa adduunka ee 2022 (CPI) Talaadadii, iyadoo Soomaaliya mar kale noqotay dalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, iyadoo sanadkan 2022-ka heshay 12 uun ka mid ah 100 la iska doonayey.

Transparency International ayaa Soomaaliya gelinaysey halka ugu hooseeysa tusmaheeda muddo 13 sano ah oo xiriir ah – laga soo bilaabo 2007 ilaa 2020 – kahor inta aysan muddo kooban kala wareegin dalalka Suuriya iyo Suudaan 2021-kii. Tusmadan waxaa daabacaysey hay’addan aan dowliga ahayn tan iyo sannadkii 1995-kii.

“Soomaaliya waxay dib ugu soo laabatay meesha ugu hooseeysa ee CPI, heer gobol iyo heer caalamiba. Dalku waxa uu ku dhex milmay rabshado iyo xasillooni darro muddo ka badan sodon sano, iyada oo aan si dhab ah loo hirgelin hab lagu xakameeyo musuqmaasuqan baahsan.” ayay yiraahdeen.

Transparency International waxa ay sidoo kale iftiimisay in go’aankii halka dhinac ahaa ee uu Madaxwayne Maxamuud ku kala diray labada hay’adood oo la-dagaallanka musuqmaasuqa dabayaaqadii sannadkii hore ay muujinayso in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay iska indho-tiraan dhibaatadan.

Bishii Oktoobar 2022-kii, Madaxwaynaha xilligaa mar u dhow uun la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto ku kala diray laba hay’adood oo muhim u ahaa la-dagaalanka musuqmaasuqa – waana Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa.

Hadalsame Media