MW Xasan Sheekh oo markale biisay arrin uusan jirin MW kale oo ay weli u suurtagashay

0

(Muqdisho) 01 Feb 2023Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa iminka wada inuu Caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyo madaxda dalalka safka hore ee deriska la ah Somalia oo halkaa ku yeelanaya kulan 2 maalmood ah, tiiyoo ay durba magaalada soo gaareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya, Abiy Axmed iyo MW Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaa la sugayaa MW Kenya.

Dalalkan ayaa Muqdisho uga wada hadli doona arrimo ku xiriirsan ammaanka Somalia iyo sidii go’aan iyo istaraatijiyad midaysan looga qaadan lahaa guud ahaan amaanka gobolka iyo la dagaallanka Al Shabaab, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta DF Somalia, Daa’uud Aways oo xusay inay arrimahaa eegi doonaan wasiirrada gaashaandhiggu.

“Kulanka Wasiirada Gaashaandhigga waxaa looga hadlayaa dhamaystirka howlgallada Al Shabaab looga xoreeynayo degaannada ay weli ku sugan yihiin, isku xirka taageerada muhimka ah ee dalalka safka hore ee dagaalkan iyo sidii ciidamada ammaanka looga caawin lahaa howlgallada.” ayuu yiri Da’uud Aweys.

Waa markii 2-aad ee uu MW Xasan Sheekh Muqdisho ku qabto shirwayne caalami ah oo heer gobol ah, isagoo sidan oo kale sameeyey intii lagu jirey muddo-xileedkiisii hore.

Waxaa xilligaas Muqdisho ka dhacay kal-fadhigii 28-aad ee Urur-goboleedka IGAD oo Muqdisho markii ugu horreeysey muddo 30 sano ka badan ku qabsoomay 13-kii Sebtembar 2016-kii, iyadoo xilligaa laga naaqishay isla ammaanka iyo doorashada Baarlamanka oo soo dhowayd.

Ma jiro MW Kale oo sidan sameeyey muddadii burburka, waloow uusanba jirin MW kale oo Somalia soo xukumay laba muddo-xileed oo kala duwan ama xitaa isku xiga oo doorasho ku rasmi ah ku yimid.

Hadalsame Media