Kooxda PSG oo aad uga xumaatay khalad dugsi hoose ah oo ay gashay Blues (Khalad yaab leh oo dhacay)

0

(Hadalsame) 01 Feb 2023Amaahdii uu Hakim Ziyech uga soo wareegi lahaa Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah loo diidey kaddib markii la diidey racfaan loo gudbiyey jamciyadda xirfadlayda Faransiiska ee Ligue de Football Professionnel (LFP).

Heshiiska oo u muuqday mid meel wanaagsan maraya, ayay xalay caqabd soo daahday ku dhacay, waxaana wararka kasoo baxaya Faransiisku ay hadda sheegayaan in Chelsea ay dhowr jeer dirtay dukumeenti khaldan.

Ziyech ayaa xitaa gaarey magaalada Paris – mase awoodin inuu heshiiska u saxiixo kooxda haysata horyaalka Ligue 1, iyadoo garab weerarkani uu ku khasbanaan doono inuu isku diyaariyo lix bilood oo kale oo uu ku qaato caasimadda England.

Sida laga soo xigtey L’Equipe, wareeegista Ziyech ayaa baaqday kaddib markii ay Chelsea laba jeer kooxda Faransiiska ah u dirtay dokumenti aan la saxiixin maalintii ugu dambaysey suuq jiilaalka.

Yeelkeede, markii khaladkaas wax laga beddeley, qareennada kooxda Chelsea ayaa diray qandaraas sax ah si kastaba ha ahaatee waxaa ka maqnaa saxiixii loo baahnaa.

Waxaa kasii daran in markii arrintan loo sheegay kooxda Blues, ay markale direen nooc kale oo qandaraas ah oo sax ah, laakiin waxaa mar kale maqnaa saxiixii.

Hadalsame Media