Conte oo laga helay cudur halis ah & Xubin muhim ah oo laga saarayo (Hubaal la’aan haysata Spurs & Kulan muhim ah oo uu seegayo)

0

(Algiers) 01 Feb 2023 – Macallin Antonio Conte ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka Tottenham ay wajahayso Manchester City Axadda kaddib qalliin lagaga saarayo xameetida.

Conte ayaa qalliinka lagula samayn doonaa dalka Talyaaniga Arbacadan maanta ah, halkaas oo uu waqti kula qaadanayey qoyskiisa kaddib markii uu laba maalmood oo fasax ah ka qaatay kooxdiisa kaddib guushii Sabtidii ee wareega afraad ee FA Cup-ka ee ka dhacay Preston.

Conte, waxa uu la ildarnaa xanuun ba’an oo dhanka ubucda ah dhamaadkii todobaadkii hore. Xanuunkuna wuxuu sii xumaaday markii uu diyaarinayey ciyaarta Preston kaddibna wuxuu noqday mid aad u daran intii uu ku sugnaa Torino, halkaas oo xaaskiisa iyo gabadhiisu ay kusii noolaayeen tan iyo markii uu u dhaqaaqay Spurs.

Yeelkeede, markii uu raadsadey daryeel caafimaad oo dheeri ah, 53-jirkan ayaa laga helay cudurka cholecystitis, oo ah caabuq ku dhaca xameetida oo badanaa ay keento dhagxaan ama wax adag oo ku dhex samaysma xameetida, waxaana lagula taliyey in la sameeyo qaliin deg deg ah.

Conte waxa uu sii joogi doonaa Italy si uu qaliinka u sameeyo iyo sidoo kale soo kabsasho deg deg ah waxana uu ku laaban doonaa London marka uu awoodo, laakiin cid ka tirsan kooxda oo qiyaasi karta waqtiga ay taasi dhici karto maadaama ay ku xiran tahay guusha qaliinka.

Qalliinkani waxaa uu ku dhacaa habraac caadi ah, inta badanna waxaa lagu sameeyaa iyadoo aan qofka caadi loo jeexin, balse dalool yar kaamiro la gelinayo, iyadoo uu bukaannku ku bixi karo isla maalinta la sameeyo islamarkaana uu howlihiisa ku laaban karo 1-2 todobaad, waloow ay xameetidu tahay xubin muhim ah.

Hadalsame Media