SAWIRRO: Koonfurta Kuuriya oo gaadiid casri ah ugu deeqday DF Somalia (Meelo muhim ah oo dalkan looga faa’iidaysan karo)

0

(Muqdisho) 31 Jan 2023Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DF Somalia, Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa guddoomey gaadiid ay Dowladda Koonfurta Kuuriya ugu deeqday Wasaaradda Arimaha Dibada Dibada iyo Iskhaashiga Caalamiga ah.

Gaadiidkan oo ka koobnaa ilaa afar (4) gaari oo ah nooca Hyundai Santa oo cusub, ayaa ah qabytii labaad ee taageero gaadiid ah oo ay Dowladda Koonfurta Kuuriya ay soo gaarsiiso Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Xamse Aadan Xaadoow ayaa dalkaasi uga mahadceliyey taageeradan gaadiidka ay iyagu sameeyeen, isagoo sheegay inay uga faa’iidaysan doonaan fududaynta howlaha kala duwan ee Wasaaradda.

Somalia ayaa dalalka ay ka mid yihiin Koonfurta Kuuriya ka faa’iidaysan karta wax ka badan gaari, maadaama dalkan oo ka mid ah kuwa haatan ugu horumarkan dunida uu 50 sano kahor ka hooseeyey Somalia, balse dadaal iyo aqoonta uu heerkan ku gaarey laga faa’iidaysan karo haddii la dejiyo siyaasad micne leh.

Hadalsame Media