“Wuxuu iigu hanjabey inuu gantaal igu dhufanayo!” RW hore ee Ingiriiska oo “kashifay” dood dhexmartay isaga iyo Putin

0

(London) 30 Jan 2023 – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay in Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin uu ugu hanjabey weerar gantaal xilli uu taleefoon kula hadlayey isku diyaarinta duullaanka Ukraine.

Johnson, oo la hadlayey BBC-da si loo duubo filim dokumentari ah oo la sii dayn doono gelinka dambe ee Isniintan, ayaa sheegay in hoggaamiyaha Ruushku uu wax ka waydiiyey rajada Ukraine ka qabto ku biirista NATO, taas oo uu kaga jawaabey inaysan ahaan doonin “mustaqbalka dhow”.

“Wuxuu ii hanjabey mar, wuxuuna igu yiri, ‘Boris, ma rabo inaan ku waxyeelleeyo, laakiin, gantaal waxa uu qaadanayaa hal daqiiqo oo kaliya,’ ama wax la mid ah,” Johnson ayaa yiri.

Isagoo dib u gocanaya “wada sheekaysi aad u dheer oo aan caadi ahayn” oo ay telefoonka ku yeesheen bishii Febraayo 2022-kii kaas oo daba socdey booqashadii Ra’iisul Wasaaruhu xilligaas ku tegey Kyiv.

Ruushku wuu diiday jiritaanka hadalka Johnson oo ay ku tilmaameen “been loo bareeray.”

Afhayeenka Kremlin-ka ee Dmitry Peskov ayaa sheegay in aysan jirin “wax hanjabaad ah” oo gantaalo ah oo la iswaydaarsadey.

Hadalsame Media