Ronaldo oo fal-celin cajiib ah ka bixiyey arrin ku qabsatay makhaayad ku taalla Riyaad (Daawo)

0

(Riyaad) 30 Jan 2023 – Jookarka Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa fal-celin yaab leh ka bixiyey kaddib markii sawir lala raacay markii uu casho ugu baxay makhaayad ku taal magaalada Riyaad Jimcihii, si uu ugu dabbaaldego dhalashadii 29-aad ee lamaanihiisa Georgina Rodriguez.

Islamarkii uu Ronaldo soo galay makhaayadda isagoo ay ku hareereysan yihiin ilaaladiisa, ayuu qof walba oo makhaayadda ku sugnaa la soo baxay taleefankiisa, wuxuuna billaabay inuu sawirro ama muuqaallo ka qaado.

Yeelkeede, isaga oo ka jawaabaya, Ronaldo qudhiisa ayaa la soo baxay moobilkiisa, wuxuuna bilaabay inuu muuqaal isna ka soo duubo taageerayaashii duubayey, kahor inta uusan qoslin oo aanu ka dhaqaaqin.

Si kastaba, Ronaldo weli ma uusan yeelan saamayntii ay dadku rajaynayeen markii uu la soo saxiixday kooxda Al Nassr bishii hore, iyadoo xiddigga reer Portugal uu gool dhalinta ku fashilmay kulankiisii labaad oo xiriir ah, kulankii ugu dambeeyeyna Super Cup-ka Saudi Arabia ayay ku garaacday Al Itixaad oo 3-1 kaga adkaatay.

Hadalsame Media