Maxaa kala qabsaday Gattuso oo la hadlayey taageerayaasha kooxda Valencisa & Sawir qaade?! (Daawo)

0

(Hadalsame) 30 Jan 2023 – Macallin Gennaro Gattuso ayaa si xun u weeraray sawir qaade xilli uu la hadlayey taageerayaasha Valencia, saacado uun kaddib markii ay kooxdiisu la kulantay guuldarro kale taasoo cadaadis saartay tababaraha reer Italy oo la cayriyey.

Dhacdadan ayaa timi daqiiqado kaddib markii Gattuso iyo kooxdiisa Valencia ay ka degeen garoonka Manises ee magaalada Valencia Axaddii, iyadoo tiro ka mid ah taageerayaasha kooxdu ay halkaas ku salaameen kooxda una soo jeediyeen erayo taageero ah.

Muuqaal lasoo dhigay mareegaha wararka Valencian ee Punt ayaa muujinaya Gattuso oo la hadlaya taageere, halkaas oo si kooban looga maqlayo isagoo leh:

‘Hadda dhib ma qabaan wiilashu,’ kahor inta aanu iftiinka kaamirada ka caroonin ninkan Talyaaniga ah ee dabciga kulul oo kaamirada si xoog ah uga duwey wejigiisa.

Gattuso, macallinkii hore ee AC Milan, ayaa deeto u muuqdey mid si caro leh ugu sharraxaya khaladkiisa sawir qaadaha, halka taageerayaasha Valencia ay isku dayayeen inay dejiyaan Rhingio.

Hadalsame Media