Laacibiin ganaax culus iska duldhigi jirey Sadio Mane xilligii Liverpool oo la kashifay + Sabab yaab leh

0

(Liverpool) 30 Jan 2023 – Laacibka Sadio Mane ayaa soo afjaray lixdii sano oo koobab miiran ah oo uu ku sugnaa gegada Anfield xagaagii kaddib markii uu u wareegey kooxda Bundesliga ka ciyaarta ee Bayern Munich.

Intii uu ku sugnaa Merseyside, Mane waxa uu Liverpool u saftay 269 kulan, isaga oo u dhaliyey 120 gool. Weeraryahanka ayaana noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka waxana uu gacanta ku dhigay Premier League, Champions League, FA Cup iyo Carabao Cup.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda uu saaxiibkiisii hore ee Andy Robertson shaaca ka qaaday in Mane lagu ganaaxey dhowr jeer markii uu illoobay baasaboorkiisii uu ku safrayey.

Daafaca dambeedka buuxa ee Scotland ayaa u sheegay We Are Liverpool: “Qaar ka mid ah ganaaxyadu waxay ahaayeen kuwo qaali ah. “Haddii aad illowdo baasaboorkaada safarka dibedda ah, waxaa lagaa jarayaa mushaar badan,” ayuu yiri.

“Waxay ku dhacday Sadio [Mane] dhowr jeer, waxaana marar badan dib u dhacday diyaaradda. Waxayna ahayd in ganaax wayn la dul dhigo.” ayuu yiri.

Robertson ayaa sidoo kale wuxuu daaha ka qaaday in kabtanka kooxda ee Jordan Henderson iyo ku xigeenkiisa James Milner ay yihiin kuwa maamula nidaamka ganaaxyada noocan ah, iyadoo ay la yaab tahay in ganaaxu uu ka yimaado ciyaartooyda kale.

Hadalsame Media