DARAASAD: Dadka waxbartay iyo kuwo ay tacliintoodu hooseeyso oo uu ku ”kala dhaco” laba nooc oo kansar ah

0

(Hadalsame) 30 Jan 2023 – Dadka ay aqoontoodu hooseeyso ayaa waxay u bandhigan yihiin cudurka kansarka si ka badan dadka aqoonta sare leh, sida ku cad tirakoob cusub oo lasoo saaray.

Sida lagu muujiyey tirakoobka diiwaanka kansarka ee Guddiga Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Sweden oo qayb loo diray sanduuqa Cancerfonden, waxaa weliba kansarka la sheegay inay haweenku uga badan yihiin ragga.

Kansarka ugu badan ee daraasaddani aragtay waa midka sanbabada waayo waa midka uuu faraqu ugu wayn yahay marka la isu eego labada dhinac, iyadoo haweenka dugsi hoose uun dhigtay ay 2.5 jeer kansarkan sanbabada uga halis badan yihiin kuwa aqoonta sare leh.

SABAB? Waxaa ay daraasaddu sheegtay in dadka aan waxbarashada sare lahayn ay tusaale ahaan sigaar cabista iyo balwadaha kale uga badan yihiin dadka kale, sidoo kalena ay uga hooseeyaan dhanka inay kaalmo caafimaad raadsadaan waqtiga ku habboon.

Sidoo kale, kansarka naasaha ayaa isna la sheegay in inta badan laga helo dumarka waxbarashada sare leh, waxaana ugu wacan iyagoo xilli hore kaalmo caafimaad doonta, sida ay leedahay cilmi baaristu.

Hadalsame Media