Daawo waxa uu taangiga Terminator uu ka dhigayo Ukraine (Kaymo dhan & wixii ku jirey ayuu holciyey)

0

(Hadalsame) 30 Jan 2023 – Ruushka ayaa horay dalka Ukraine ugu daabulay taangiga casriga ah ee laga baqo ee loo yaqaan magaca BMPT Terminator kaasoo uu nidaamka Moscow uga jawaabayey guuldarrooyin uu bilowgii kala kulmay dagaalka uu ka wadey Gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Muuqaal argagax leh oo haatan soo baxay ayaa laga arkayaa taangigan oo rasaas dhimbilo ah ku xiraya meel kayn ah oo ku taalla dalka Ukraine, iyadoo uu dagaal qaraari weli ka socdo bariga dalkaasi. Taangiga ayaa dhirtii oo dhan holcinaya sida muuqaalku sheegayo.

MUXUU YAHAY TERMINATOR – Taangigan ayaa wuxuu leeyahay muuqaallo gaar ah oo ka dhigaya mid halis ah waxaana ka mid ah inuu mar qura duqayn karo bartilmaameedyo kala geddisan isagoo ridaya hub noocyo kala gedisan ah oo ay ku jiraan gantaallo, waxaana HORAY loogu arkay isagoo usii gurguuranaya dhanka Severodonetsk oo ka tirsan Luhansk.

Taangiyada noocan ah oo markii ugu horreeysey lagu soo bandhigay carwo ciidan oo la qabtay 2013-kii taasoo la yiraahdo Russian Arms Expo islamarkaana ka qaybqaatay rigada Maalinta Guusha ee Victory Day parade sanadkii 2020, ayaa la geeyey dalka Suuriya 2017-kii kaddib markii ay ku wada heshiiyeen MW dalkaasi ee Bashar Assad oo la kulmay Abaanduulka Ruushka ee JenerAal Valery Gerasimov.

Hadalsame Media