Chelsea oo weerarkii ugu dambeeyey maanta ku qaadaysa Enzo Fernandez (Wefdi ballaaran oo Portugal u safraya & Qorshaha?)

0

(London) 30 Jan 2023 – Kooxda Chelsea ayaa lagusoo warramayaa inay u sheegtay Benfica inay ku bixin doonto Enzo Fernandez £106 milyan oo ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa kahor inta uusan xirmin suuqa Janaayo.

Chelsea, oo sidoo kale xaqiijisay inay 26.3 milyan ginni kula soo wareegtey Malo Gusto Gusto oo kaga soo biiray Lyon Axaddii, ayaa horraantii bishan laga soo diiday dalab ku dhow 75 milyan oo ginni iyo gunnooyin ay ku iibsanayeen Fernandez.

Milkiile Todd Boehly, Behdad Eghbali iyo madax kale ayaa howshan ku jira – Chelsea ayaa waxay ugu dambayn gaari doontaa € 120m oo euro, waxay se jawaabti ku xiran tahay Rui Costa.

Si kastaba, madaxda kooxda Premier League ayaa u safri doonta caasimadda Portugal ee Lisbon Isniintan si ay wadahadal cusub ula yeelato Benfica oo ay ka doonayso 22-jirkan reer Argentina.

Sida ku qoran Futebol, Chelsea ayaa codsan doonta inay lacagta heshiiska lagu fasaqayo ee £106m ah u bixiso qaybqayb waqti badanna ma hayso oo faras baa qoob kula taagan maadaama uu suuq jiilaalku xirmayo 48 saac gudohood.

Hadalsame Media