Chelsea oo qarka u saaran inay rikoodh cusub ka dhigto suuqa kal iibsiga EPL (Arrin ay ku qancinayso Benfica)

0

(Lisbon) 30 Jan 2023 – Chelsea ayaa dalab cusub oo £115 milyan oo ginni ah ka gudbisey xiddigga khadka dhexe ee Benfica, Enzo Fernandez, waxaana ay si isa soo taraysa ugu rajo wayn tahay inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee ku guulaystay Koobka Adduunka heshiis ka dhigan saxiixii ugu qaalisanaa taariikhda kubada cagta Ingiriiska.

Chelsea ayaa diiddey inay ka tanaasusho saxiixa Fernandez kaddib markii ay ka caroodeen horraantii suuqa kala iibsiga, waxayna haatan dib u bilaabeen dadaalkooda ku aaddan saxiixa 22-jirkan kahor maalinta berri ah ee Talaadada abbaare 11pm oo uu xirmayo.

Fernandez ayaa shakhsiyan ku celceliyey rabitaankiisa ah inuu ku biiro Chelsea kahor inta aan la gaarin bisha Janaayo ee aanu soo noolaanin xiisaha Blues, isagoo markale rabitaankiisa si cad u sameeyey horraantii bishan.

Dalabka Chelsea, sida ay soo werisey The Times, ayaa u qaabaysan in qayb qayb loo bixiyo lacagta, waxaana si Benfica loo qanciyo loogu daray £10 milyan oo ginni oo dheeraad ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Fernandez ee Benfica.

Haddii uu hirgalo, waxa uu heshiiskani dhaafi doonaa midka rikoodhka haysta oo ah £100 milyan oo ginni oo ay Manchester City kasoo bixisay Jack Grealish oo ay u shubtay Aston Villa.

Milkiile Todd Boehly, Behdad Eghbali iyo madax kale ayaa howshan ku jira, si ay u qanciyaan kooxda ka dhisan caasimadda Lisbon.

Hadalsame Media