Arrin laga fursan karey oo saaka ka dhacday guri ku yaalla magaalada Gaalkacyo (Maxaa dhacay?)

0

(Gaalkacyo) 30 Jan 2023 – Waxaa saakay magaalada Gaalkacyo ka dhacday arrin aan daruuri ahayn oo ay ku kaceen Ciidamada Munishiibiyadu iyagoo aan digniin iyo xusuusin samaynna ay halis geliyeen nabaddii guri ay rayid deggan yihiin oo ay ku jarmaadeen.

Waxaa arrintani ka dhacday guriga uu deggan yahay weriye Siciid Nadaara oo ku nool daanta woqooyi ee magaalada wuxuuna yiri:

“Saakay wuxuu waagu noogu baryay dhacdo la yaab leh oo laga fursan karay, guriga aan degganeyn waxaa nagu soo gaaracay ciidan sheegay inay ka socdaan Dawladda hoose oo markii albaabka laga furay iyagoon ogeysiis iyo waydiin kale gelin waxay horey kala baxeen albaabkii guriga, markii aan dib wax u waydiinay inay canshuur doonayaan yay sheegeen.

“Runtii waa mas’uuliyad darro hab-dhaqankan, Dawladda xaq ayay u leedahay canshuurta iyo fulinta shuruudaha kale.

“Balse tillaabo walba horteed waa lagama maarmaan in wargelin iyo ogeysiis laga bixiyaa, iyadoo aysan jirin cid damaanad qaadeysa bedqabka iyo amniga guri dad degganyihiin oo hanti taal in albaabka lagala baxo.

“Hannaan canshuur bixiya loogu yeero oo loogu digi karo iyo hab tallaabo lago qaado ayay leedahay Dawladnimada oo tan ka duwan.” Ayuu kusoo af-jaray.

“Awal meheradaha ayay sidaasi ku dhici jirtey laakiin waa markii ugu horreeysey ee aan arko guri sidan loo weerarayo.” Ayuu Hadalsame u sheegay Siciid oo xusay in albaabkii gebi ahaanba lala tegey taasina ay halis ku tahay ammaanka guriga.

Hadalsame Media