Maxaa dhacay markii uu Leo Messi Ingiriisi ku hadlay markii ”ugu horreeysey” (Daawo)

0

(Hadalsame) 29 Jan 2023 – Taageerayaasha ayaa la yaabay kaddib markii ay maqleen Lionel Messi ‘oo ku hadlaya Ingiriisi’ wax u muuqda markii ugu horreeysey.

Messi oo ku dhashay magaalada Rosario ee dalka Argentina, luuqadda koowaad ee uu ku hadlaa waa tiisa Isbaanishka kaddibna waxa uu bartay ku hadalka woxoogaa Catalan ah intii uu ku sugnaa Barcelona.

Waxaa mar walba la waydiinayey in Messi, oo muddo badan ku sugnaa xeebaha Yurub uu ku hadli karo Ingiriisi iyo in kale.

Waayo qofna weligiis ma maqal Messi oo waraysi ku baxaya Ingiriisi, taa beddelkeeda inta badan waa la tarjumi jiray mararka qaarna qoraal-hoosaad baa la hoos dhigi jirey muuqaalladiisa.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiggan todobada jeer ku guulaystay Ballon d’Or ayaa laga yaabaa inuu ku hadli karo xoogaa Ingiriis ah sida lagu arkay muuqaal internet-ka ku faafay.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media