”Marka hore dalxiis ku imaada!” – Ronaldo oo doonaya inuu Sucuudiga keeno 4 laacib oo Man United ah & Magacyada

0

(Riyaad) 29 Jan 2023 – Weeraryahanka Al-Nassr, Cristiano Ronaldo, ayaa lagu soo warramayaa inuu ku casuumey afar ka mid ah saaxiibadiisii hore ee Manchester United inay yimaadaan dalka Saudi Arabia si ay ugu  ciyaaraan naadigiisa cusub.

Sida laga soo xigtey The Sun, afarta ciyaaryahan ee Ronie u baaqayo ayaa kala ah Harry Maguire, Bruno Fernandes, Casemiro iyo Raphael Varane.

Kabtanka Portugal ayaa la xiriirey afartan ciyaaryahan ee ay aadka isugu dhow yihiin, waxaana uu ku casuumey inay marka hore ugu yimaadaan fasax, ha noqoto Sucuudiga haddii jadwalkoodu ogolaado, ama Portugal, halkaasoo uu Ronaldo uu ka wado dhismaha guri wayn oo ku yaal Lisbon.

Ronaldo ayaa kaga tegey Old Trafford xaalad murugo leh bishii Nofeembar ee lasoo dhaafay, taasoo u diiddey xitaa fursad uu ku macsalaameeyo saaxiibbadii iyo asxaabtiisa Manchester United.

37-jirkan ayaa deeto  £170 m oo gini kula biiray kooxda Al-Nassr.

Hadalsame Media