Macallinka Al-Nassr oo sheegay war lama filaan ah oo ku saabsan mustaqbalka Ronaldo ee kooxdaas

0

(Riyaad) 29 Jan 2023 – Macallinka Al Nassr ee Rudi Garcia ayaa qiray in Cristiano Ronaldo uu ka tegi doono kooxdan si uu xirfaddiisa ciyaareed ugu dhamaysto qaaradda Yurub.

38-sano jirkan ayaa qandaraaskiisa Manchester United la fasaqay bishii Nofeembar kaddib markii uu bixiyey waraysi muran badan dhaliyey oo uu siiyay Piers Morgan, kaasoo uu ku dhaleeceeyay xarumaha kooxda isagoo sheegay inuusan ixtiraam u haynino Erik ten Hag.

Ronaldo ayaa heshiis rikoodh jebis ah deeto la saxiixday kooxda Saudi Arabia ee Al Nassr kaas oo uu weeraryahanku ku qaato £175 milyan oo ginni sanadkii.

Laakiin tababarihii hore ee Roma oo hadda Ronaldo ku maamula magaalada Riyaad ayaa sheegay in Ronaldo uu ku laaban doono Yurub kahor inta uusan ka fariisan ciyaaraha.

Cristiano Ronaldo waa qof nagu kordhinaya wax wanaagsan, maadaama uu kala diro daafacyada,” ayuu yiri Garcia.

‘Waa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu fiican adduunka. Kuma se dhamaysan doono xirfadiisa Al Nassr, wuxuu ku laaban doonaa Yurub.” ayuu raaciyey isagoo kolba xog ka haya Ronie.

Hadalsame Media