Laacib sheegay in Man United ay durba dhistay asaaskii ay koobabka ku qaadi lahayd (Calaamadda taa muujinaysa)

0

(Manchester) 29 Jan 2023 – Casemiro ayaa joogey Manchester United waqti ku filan oo uu u dareemo miisaanka iyo taariikhda kooxda Old Trafford, waxana uu aaminsan yahay in kooxdu ay dib ugu soo laabanayso heerkeedii intii uu hogaaminayey Erik ten Hag.

Xiddigga reer Brazil ayaa ahaa mid wax ku ool ah tan iyo markii uu kasoo dhaqaaqay Real Madrid heshiis £70 milyan oo ginni xagaagii hore.

Labadii gool ee uu ka dhaliyey Reading habeenkii Sabtida ayaa u sahley United inay u gudubto wareega shanaad ee FA Cup, waxayna qarka u saaran yihiin inay xaqiijiyaan booskooda final-ka Carabao Cup Arbacada iyagoo seddex gool ku hogaaminaya lugtii hore ee ay arkeen Nottingham Forest.

‘Manchester United is a big club. In my opinion, if we look at the titles, it’s the biggest in England.

Ninkan oo guulo is xigxigey ku gaarey Spain, Casemiro ayaa rumaysan in calaamaduhu ay muujinayaan in United ay ku socoto jidka saxda ah iyadoo kooxda Ten Hag ay weli ku loollamayaan afar koob.

‘‘Manchester United waa koox wayn. Fikradayda, haddii aan eegno koobabka ay qaadayna, waa tan ugu wayn England,” ayuu ku dooday Casemiro.

“Waan ognahay inaan ku socono qorshe, tillaabo tillaabo waxaan dhisaynaa koox si fiican u qaabaysan tanina waa muhim. Si aad ugu guulaysato koobab mustaqbalka, waa inaad dhistaa aasaas adag.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media

Facebook Comments