Khubarada ammaanka oo sheegay inay adag tahay in Shabaabku kasoo kabto guuldarrooyinkii u dambeeyey (2 istiraatijiyadood oo looga adkaaday)

0

(Muqdisho) 29 Jan 2023 – Soomaaliya, kooxda Al-Qaacida xiriirka la leh ee Al-Shabaab ayaa si tartiib tartiib ah dib ugu guraney muddo bilo ah, waxaana tani ay noqon kartaa bilowga dhamaadkooda, sida ay khubaradu u sheegeen VOA laanta Ingiriisiga.

Khudbad laga sii daayey taleefishinka bishii Agoosto 2022, Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay “dagaal guud” oo ka dhan ah kooxda, maalmo kaddib markii ay go’doomiyeen hoteello ay dad badan ku dhinteen oo ku yaalla Muqdisho, kaasoo ay ku laayeen ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

Hadalka Madaxwaynaha ayaa kusoo beegmay iyadoo beelaha dega gobollada dhexe ee Soomaaliya ay ka gadoodsan yihiin joogitaanka iyo cadaadiska Al-shabaabku ay degaannadaa muddada dheer uga talinayeen.

Tan iyo bishii Luulyo, howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadaan qaybo ka mid ah gobollada dalka ayaa guulo waawayn iyana ka gaarey maleeshiyaadka Shabaabka.

Al-Shabaab ayaa lagala wareegey deegaano iyo magaalooyin waawayn oo ka tirsan gobolada dhexe ee Soomaaliya oo ku yaalla gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galmudug iyo Koonfur-galbeed. Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale sheegay inay dileen in ka badan 2,000 oo dagaalyahannada Al-Shabaab ah.

Haatan, xilli uu ololaha dowladdu galay bishii sideedaad marka la galo Febraayo, dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa inay furto furumo dagaal oo cusub oo dhaca koonfurta Soomaaliya, sida uu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya sheegay Jimcihii.

Todobaad kahor ayay ahayd markii ciidamada dowladda ee ku sugan Jubaland ay qaadeen tillaabo horudhac ah oo ay Al-Shabaab kagala wareegeen degaanka Janaay Cabdalle oo ah degaan istiraatiiji ah.

Maamulka Jubaland waxay xuduud la leedahay Kenya, waxayna ka mid tahay shanta Maamul-goboleed ee Federaalka Soomaaliya.

Khubarada VOA u warrantay ayaa isku raacay in Shabaabku ay u muuqdaan kuwo aan kasoo kaban karin guuldarrooyinka xiriirka ah ee markan ka gaaraya DF Somalia iyo dadwaynaha maxalliga ah oo iskaashanaya, taasoo ah istaraatijiyad cusub oo shaqaysay.

Qorshaha kale ee kooxda haraynaya kooxda waxaa shalay sidoo kale ka hadlay Cali Dheere oo si dadban u sheegay in Shabaabka uu dakhligu ku xun yahay haatan isagoo muujiyey in lacagihii kooxdaasi la xayiray.

Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media