Soomaalida oo CARWADA Afrika ugu wayn ka furaysa magaalada Nairobi + Sawirro (Imisa qaybood ayuu ka kooban yahay?)

0

(Nairobi) 28 Jan 2023 – In ka badan 50 xarumo ganacsi oo ku yaal xaafadda Eastleigh, oo sii noqonaysa xarunta ganacsiga ee Nairobi, ayaa lagu wadaa in laga daahfuro suuqa ugu wayn Afrika kaasoo leh in ka badan 3500 oo dukaamo ah.

Moolka Business Bay square (BBS), oo la filayo in uu noqon doono mid wax ka beddela sida ay iminka wax yihiin, laguna tilmaamo in uu yahay suuqa ugu wayn qaaradda, waxa uu yeelan doonaa 3,500 dukaan, 3 isbitaal, 12 bangi iyo hoteel 3-xiddigle ah oo dhammaantood hal saqaf ku hoos jira.

Kumanaan kirayste ah oo doonaya in ay degaan dhismayaasha suuqan kuwaasoo durba la galiyey liiska sugitaanka sababo la xiriira baahida badan ee jirta iyadoo la furayo bilaha yar ee soo aaddan.

Marka laga soo tago soo jiidashada ganacsiyada, waxaa lagu qiyaasaa in Eastleigh ay martigeliso maalgashi ku kacaya balaayiin shilinka Kenya ah, ayna ka qaybqaadato ugu yaraan boqolkiiba 30 canshuuraha uu qaado ismaamulka Nairobi.

“Eastleigh hadda kaddib ma aha xaafad, balse waa magaalo ku dhex taal magaalada Nairobi,” ayuu yiri Asmali.

Moses Kuria, Wasiirka Ganacsiga Kenya, ayaa bishii hore sheegay in shirkado ama brands caalami ah sida Gold Souk ay xarumo ku yeelan doonaan goobtan.

Hadalsame Media