SAADAASHA SOOL & SOMALILAND: Go’aanka lasii ogyahay ee Laascaanood oo laba dookh oo kala qaraar u furaya Muuse Biixi

0

(Hadalsame) 28 Jan 2023 – SAADAASHAYDA: XAALADDA GOBOLKA SOOL IYO SOMALILAND.

Berri oo sabti ah waxaa magaalada Laascaanood ka furmi doona shirka hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee beesha Dhulbahante.

Go’aannada kasoo baxa shirkaas ayey soomaalida oo dhan iyo beesha caalamkuba isha ku hayaan. Sida la filayo Garaaddada halkaas fadhiya iyo guddi 33 xubnood ka kooban oo ay horey ugu xilsaareen in iyaga oo kaliya ay ku hadli karaan afka deegaanka waxay ku dhawaaqi doonaan in maamulka Somaliland uu ciidamadiisa kala baxo dhulkooda.

Go’aanka adag ee noocaas ah ayaa la isku raacsanyahay inuusan u cuntami doonin Muuse Biixi oo rumeysan inuu u dhaartay midnimada dhuleed ee Somaliland, sidaas darteedna uu ku qasbanyahay inuu gacanta maamulkiisa kusii hayo gobolka Sool.

Muuse waxaa heysata laba kala daran mid dooro: in gobol ka mid ah Somaliland uu go’o oo uu fure u noqdo in kuwo kale oo aan gooni u goosadka ku qanacsaneyn, sida gobolka Awdal, ay dariiqaas maraan iyo inuu doorto dagaal iyo awood ciidan oo Laascaanood xoog kusoo celisa.

Haddii uu tan dambe doorto waa arrin halisteeda leh waana dagaal qabiil oo baahsan reebina doona raad xun. Dagaal lagu qaado Sool wuxuu dhali doonaa colaad raagta oo muddo dheer jiri doonta, beeluhu na qabiil isu laayaan.

Lama filayo inuu Garaaddada kasoo baxo go’aan ka beddalan doonista dadkooda oo raba in Somaliland dhulkooda uga baxdo.

Rajada kaliya ee baajin karta dagaal uu Muuse Biixi ku qaado Laascaanood ayaa noqon karta culeyska caalamiga ah ee uu Biixi kala kulmi karo dalalka waaweyn, sida Ingiriiska iyo Mareykanka oo la hubo inaysan indhaha ka fiirsan doonin colaaddaas halista badan.

U badi in Muuse Biixi dhegaha ka fureysto dalabka beesha caalamka ee ah “dagaal maya” waa se inuu aqbalo tallaabooyinka aan qaddiyadda gooni u goosadka maamulkiisa u wanaagsaneyn ee ay dowladahaas waaweyni ka qaadi doonaan.

Tallaabooyinkaas oo ay ugu horreeyaan in cunaqabateyn dhaqaale iyo xayiraad xagga safarrada ah lagu soo rogo madaxda sidoo kale na laga joojiyo taageerada xagga horumarinta ee ay Somaliland ka hesho dalalkaas iyo midda dhaqaale ee laga siiyo dhinacyada amniga, baarlamaanka iyo mashruuca dimoqraadiyadeynta.

Ugu dambeyna waxaasoo dhan waxay cirka ku laali doonaan rajo kasta oo ay Somaliland ka lahayd inay mar uun hesho aqoonsi caalami ah.

Waxaa Qoray: Qaasim Nero

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media