”Man City nasiib qura loogama badin karo” – Roy Keane oo MADFAC la helay kooxda Gunners oo guuldarro kale Guardiola kala kulantay

0

(Manchester) 28 Jan 2023 – Halyeeygii Man United ee Roy Keane waxa uu sheegay inuu filayey inuu wax badan wixii xalay ka arko Arsenal kulankii 1-0 wareega afraad ee FA Cup-ka ay guuldarrada ugala kulmeen Manchester City habeennimadii Jimcaha.

Kabtankii hore ee Manchester United ayaa ku dooday inuu kooxda 5ta dhibcood ee nadiifka ah ku haysa hoggaanka Premier League looga fadhiyey wax ka badan inay ku guuldarraystaan kulankoodii ugu horreeyey ee ay wajahaan City xilli ciyaareedkan.

Keane waxa uu dareemayey in wax badani kasoo socdaan dhanka Arsenal, sida inay ka fal-celiyaan markii ay City goolka ka dhaliyeen, laakiin waxa ay awoodi waayeen in ay barbarraha keenaan oo ay ku khasbaan in kulan ku celis lagu dheelo Emirates.

“Waxay u dheelayeen heerar aad u sarreeya dhowrkii bilood ee la soo dhaafay,” ayuu Keane bilaabay. “Waxaan u maleeynayey inaan wax badan ka arki doono Arsenal caawa, waan se ka niyad jabay,” ayuu ku dooday.

“Waxaan aragnay khibradooda dhowrkii sano ee la soo dhaafay, sida loogu guulaysto ciyaaraha. Hal mar ayay libiqsatay Arsenal waana lagu ciqaabay,” ayuu raaciyey.

“Waxa ay muujiyeen muuqaallo rajo rajo leh. Difaac qurux badan, laakiin waxaad u baahan tahay wax ka badan NASIIB si aad uga badiso Man City.” ayuu yiri Keane oo kalaanka ku gubaya kooxdii ay xafiiltami jireen.

Hadalsame Media