Benzema oo farriin cad soo diray kaddib guushii muhimka ahayd ee ay ka gaareen Derby Madrid

0

(Madrid) 28 Jan 2023 Weeraryahanka Karim Benzema ayaa soo maray xaalad adag qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan, laakiin waxa hubaal ah inuu haatan u muuqdo inuu weji cusub lasoo baxay kaddib Koobka Adduunka.

Laacibka reer France ayaa gool kale oo muhii ah dhaliyey ciyaartii ay Real Madrid ay Atletico Madrid garaacday waqtigii dheeriga ahaa ee wareega 8-da Copa del Rey, kahor inta uusan Vinicius Junior gool soo daahay ku keenin guusha.

Laacibka reer France ayaa dhaawac qaybtii hore ee ololahan, ay haatan sheekadiisu ka duwan tahay, isagoo dhaliyey 7 gool 7-dii kulan ee ugu danbeeyey.

Sida laga soo xigtey mareegta rasmiga ah ee Real Madrid markii Benzema wax laga waydiiyey taam ahaanshihiisa, Benzema wuxuu yiri:

“Waxaan dareemayaa inaan ahay 100%, marka ay timaado wax ku biirinta kooxda, waxaana rajaynayaa inaan sii wadi doono gool dhalinta.”

Benzema ayuu haatan rikoorkiisa gooldhalintu yahay mid aad u adag marka uu garoonka ku jiro oo la safo, taasoo ka dhigan inuu soo kabtay.

Hadalsame Media