Soomaalidii lacagaha lunsaday ee Minneapolis oo maxkamadayn lagu bilaabay (Magacyada dad ay qaarkood qaateen lacag MILYAN Doollar ku dhow & Guryo qaali ah oo Kenya laga gatay)

0

(Hadalsame) 26 Jan 2023 – Nin ku sugan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa qirtay dembiga ah inuu lacag dhan Ksh.31 bilyan ($250 milyan) si qorshe khiyaano ah wax uga weeciyey taasoo lagu bixiyo Barnaamijka Nafaqaynta Carruurta ee Federaalka si loogu quudiyo carruurta baahan intii lagu jirey xannibaadihii cudurka faafa ee Covid.

Isagoo saaran Maxkamadda degmada, Liibaan Yaasiin Ali-shire waxa uu qirtay dembiga ah in uu si musuq ah uga faa’idaystey barnaamijka nafaqaynta carruurta ee ay federaalku maalgeliso intii lagu guda jirey aafada COVID-19.

Dokumeentiyada maxkamaddu waxay muujinayaan in Ali-shire, 43-jir, oo joogey Brooklyn Park, kana diiwaangashan Adeegyada Kobcinta Bulshada iyo Jikada Lake Street, oo ah ururrada uu ka caawiyey inay ka shaqeeyaan, Barnaamijka Nafaqaynta Carruurta ee Federaalka sida goobaha la sheegay inay cunto siinayeen carruurta danyarta ah ee hoos timaada kafaalaqaadka Quudinta Mustaqbalkeena (Feeding Our Future).

Ali-shire wuxuu qirtay in kaddib markii uu iska diiwaangeliyey Barnaamijka Nafaqaynta Carruurta ee Federaalka, uu deeto bilaabay soo gudbinta sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan lacag celinta cuntada boqollaal ama kumannaan carruur ah maalintii.

Waxa uu been-abuuray qaan-sheegtooyin muujinaya soo iibinta cuntada, iyo diyaarinteeda iyo soo gudbinta liis been-abuur ah oo sheegaya in lagu diiwaangeliyo magacyada carruurta cuntada loo qaybiyey.

Baaritaanno ay samaysay FBI-da, Hay’adda Adeegga Dakhliga Gudaha IRS, iyo Adeegga Kormeerka Boostada ayaa waxay ogaadeen in Ali-shire uu sidoo kale maamulo shirkad samaysa qaybinta, Ace Distribution Services, taasoo la sheegay inay bixiso cuntooyin la siiyo carruurta ee barnaamijka Community Enhancement Services.

Wadar ahaan, Adeegyada Kobcinta Bulshadu waxay sheegteen inay bixiyeen in ka badan 800,000 oo cunto ah intii u dhaxaysey Febraayo iyo Oktoobar 2021-kii, Jikada Lake Street waxay iyana sheegtay inay bixisay in ka badan 70,000 oo cunto intii u dhaxaysey Diseembar 2020 iyo Abriil 2021-kii.

Sida eedda lagu sheegay, Adeegyada Kobcinta Bulshada iyo Jikada Jidka Harada waxay ka heleen in ka badan hal milyan oo Doollar lacag dhan oo ay ku qaateen Barnaamijka Nafaqeynta Carruurta ee Federaalka taasoo ay ka heleen hay’addooda arrimahaa kafaala qaadday, Quudinta Mustaqbalkeenna (Feeding Our Future).

Ali-shire kaddib waxa uu lacagtan ku wareejiyey khasnado dibedda ah isaga iyo dadka kale iyada oo loo sii marinayo shirkado kuwa wax qolfeeya ah oo qaadan jirey dallaal si ay howshan u qabtaan isagoo wadar ahaan lunsaday $712,084.00 oo Doollar.

Dokumiintiyada maxkamadda ayaa muujinaya in Hoodo Properties ay ka mid ahayd shirkadaha caynkaas ah ee wax qolfeeya, Nofeembar 22, 2021, wuxuu shirkadda ku diray Ksh.27 milyan oo shilin oo la mariyey Jacfar Jeelle & Co., si loogu iibsado dhulka Karibu Palms Resort ee xeebta Diani.

Dhagar qabayaasha wax la xaday waxaa ka mid ahaa Cabdicasiis Shaafici Faarax, Maxamed Jaamac Ismaaciil, Maxamed Ibraahim, Cabdimajiid Maxamed Nuur, Saciid Shaafi Faarax, Cabdiwahaab Macallin Aftin, Mukhtaar Mohammed Shariff, Xayat Maxamed Nuur, Axmed Yasi iyo Khadar Jigre Aadan.

Cabdicasiis Shaafici Faarax iyo Cabdiwahaab Macallin Aftin ayaa sidoo kale Kenya ku maalgashaday lacago been abuur ah.

Hadalsame Media