“Afrika ma waxay kula tahay kaftan?!” – Midowga Afrika & Jarmanka oo ay ka tafatay (Dood ka bilaabatay haramcad)

0

(Berlin) 27 Jan 2023 – Isku day uu Jarmanku ku doonayey in uu kula majaajiloodo safarkii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergey Lavrov, uu ku tegey Afrika ayaa guuldarraystay kaddib markii Midowga Afrika ay Berlin ku dhaleeceeyeen adeegsiga emoji keenay in Berlin ay bixiso raalligelin deg deg ah.

Talaadadii, Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Jarmanka ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in Lavrov uu bilaabay socdaal uu ku tegayo Afrika “si uusan u arkin shabeelka haramcadka, laakiin uu si bareer ah u sheego in saaxiibbada Ukraine” ay doonayaan inay burburiyaan wax kasta oo Ruush ah.” Erayga ‘haramcad’ waxay u sawireen qaab emoji ah.

Yeelkeede, mas’uuliyiinta Midowga Afrika, oo ay ku jirto Ebba Kalondo, oo ah afhayeenka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Moussa Faki, ayaan la dhicin hadalkaas.

“Ma waxay u timid inay aragto xayawaan? Mise Qaaradda Afrika, dadkeeda iyo duur-joogtu ma wax lagu kaftamo ayay kula yihiin?” ayay waydiisey iyadoo tixraacaysa booqasho ay dhowaan Afrika ku tagtay.

Canaantu waxay keentay in Berlin ay dib ula noqoto hadalkeeda. “Qodobka waa la fahmey waana ka xun nahay. Waan qiimaynaynaa saaxiibadeenna Afrikaanka ah. Tweet-keenna sinnaba looguma talagelin in loola jeedo gef,” ayay wasaaraddu soo qortay.

Waxay kaloo sharraxday in emoji-ga haramcadka laga tixraacayey taangiyada Leopard 2 ee ay Berlin dhowaan ballanqaaday inay u diri doonto Kiev si ay uga caawiyaan dagaalka Moscow.

Hadalsame Media