”Wuxuu keenay caqliyad cusub” – Waa maxay ixsaanka uu Guardiola u sameeyey Arsenal ee uu maanta ka shallaaysan yahay + Sawirro

0

(London) 26 Jan 2023 – Xilli ciyaareedkan, raynrayn farxadeed iyo carafta guusha ayaa sidii sanuunka hilib si wanaagsan loo geedeeyey looga dareemayaa gegada Emirates, waxaana jira laacib uu sawirkiisu durba ku daabacmay quluubta taageerayaasha Gunners waana Oleksandr Zinchenko.

Waxaana ugu daran laba dhacdo oo midkii ugu horreeyey uu ahaa bishii Agoosto, markii uu Yukreeniyaankani uu ku dhinac orday khadka garoonka kaddib guushii soo daahday ee uu goolkeeda ku qaaraamay Gabriel kulankii Fulham.

Mar kale waa kulankii todobaad dhamaadkii ay Gunners 3-2 dirtay kooxda lafteedu soo noolaanaysa ee Man United, goortaasoo uu Zinchenko, oo £30m oo gini ku yimid, uu kaligii dhinac u orday isagoo xamaasadaysan oo xabadka iska garaacaya islamarkaana cirka feeraya farxad darteed.

Laacibkan oo haatan xirtey dadabka bidix ee garoonka, ayuu macallin Mikel Arteta kasoo kaxaystay kooxda Manchester City, iyadoo uu wehliyo Gabriel Jesus. Waxayna Gunners kusoo kordhiyeen caqliyad guuleed iyagoo u sheegay inay leeyihiin cudud ay ku tartamaan sidaa darteed ay iska daayaan inay ku qancaan boosaska CL.

“Markii aan imid Arsenal… waxaan ku gartay garoonka in aan haysanno wax walba oo aan ku gaari karno guulo waawayn. Oo waxaan bilaabay inaan kaga hadlo qolka lebiska sida anigoo leh, “xarfaaneey iska illooba boosaska seddexda sare, waxaan u baahanahay inaan ka fikirno qaadista horyaalka” ayuu yiri Zinchenko Axadii.

”Qaarkood way qosleen maalintaas, laakiin qofna hadda ma qoslayo.” ayuu raaciyey, iyadoo laga yaabo inuu Guardiola haatan dib uga fikirayo khaladka uu sameeyey.

Hadalsame Media