Maamul-goboleedka Galmudug oo ku dhaqaaqay tillaabo wax wayn soo kordhin karta (Hal arrin ayayse ku xiran tahay)

0

(Dhuusamareeb) 26 Jan 2023 – Maamul-goboleedka Galmudug ayaa qaaday tillaabo uu wax kaga qabanayo dhibaatooyin bilihii dambe aad looga dayriyey saamaynta ay yeelatay.

Wasaarad Gudeedka maamulkaasi ayaa soo saaray bayaan dhigaya in la mamnuucay in Qaadka la geeyo goobaha laga xoreeyo kooxda Al Shabaab oo iskugu jira degmooyin, tuulooyin iyo degaanno.

Maamulka ayaa ganacsatada iyo gaadiidka uga digey inay Jaadka geeyaan goobaha dhowaan la xoreeyey oo ay ka midka yihiin Ceeldheer, Galcad iyo Xarardheere IWM.

Gaadiidleeyda ayaa loo sheegay in lagu ciqaabi doono arrintan, halka la gubayo Jaadka ay u sidaan goobahaa oo weli furin dagaal ah, iyadoo hay’aadka maamulka lagu wargeliyey dhaqangelinta amarkan.

Qaraxyo dhowr ah oo ciidamada aagaggaas ku sugan halkaa ku qabsaday ayaa loo sababeeyey Jaad meelahaa lagu qarqiyey, iyadoo la ogyahay inuu Jaadku qofka ka dhigo waxmatare ugu yaraan 90%, maadaama loo baahan yahay inuu qofku mar u fariisto cunistiisa oo saacado iyo tamar badan qaadata marka xigtana qaadiradiisa lala jiifo oo uusan qofku shaqo qaban karin.

Tan ugu muhiimsani waa dhaqangelinta iyo ka dhabaynta go’aankan.

Hadalsame Media