Khilaafkii ugu cuslaa oo ka dhex taagan ciyaartooyda PSG + Sababta (Imisa laacib ayay is hayaan Mbappe?!)

0

(Paris) 26 Jan 2023 –  Kylian Mbappe ayaa dhibaato cusub ka wajahaya qolka lebiska kooxda Paris Saint-Germain kaddib markii uu Presnel Kimpembe xaqiijiyey in aanu “ka war qabin” in weeraryahankani uu kala wareegayo kabtan ku xigeenka kooxda.

Mbappe ayaa kabtan u ahaa kooxda Les Parisiens waxaana uu dhaliyay goolal rikoodh jebis ah oo 5 gool ah kulankii ay 7-0 ku xasuuqeen kooxda heerka lixaad ee France ee US Pays de Cassel isniintii.

Waxa uuna markii ugu horreeysey kooxda hoggaamiyey iyadoo uu maqnaa kabtanka kooxda oo ah Marquinhos isagoo kor u qaaday maqaamkiisa kooxda kaddib qandaraaskiisa cusub ee seddexda sano uu kooxda kula joogayo ee uu saxiixay bishii Maajo.

Tababaraha PSG Christophe Galtier ayaa sharraxay: “Waxaan go’aansaday inuu noqdo kabtanka labaad tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka, wuuna qalmaa inuu noqdo marka Marquinhos uusan joogin sababtoo ah wuxuu go’aansaday inuu kooxda sii joogo”.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankaas lama ogaysiin Kimpembe, oo horay u haystey xilka kabtan xigeenka.

“Saacadihii lasoo dhaafay waxaan maqlayey wax badanna ka akhriyey waxyaabo igu saabsan,” Kimpembe ayaa sidaa kusoo qoray Instagram-ka

“Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo arrimaha si aan uga fogaado sii wadidda faafinta macluumaadka beenta ah ee arrintan la xiriira. La igama wargelin go’aankan, taasi gebi ahaanba waa been…Balse anigoo sidaa iri, misna mar walba waan ixtiraami doonaa go’aamada kooxda.” Ayuu yiri.

Tan kale ee ugu darani waa in go’aanka ah in Mbappe uu noqdo kabtan xigeenku uu sidoo kale si gaar ah uga ilduufay Lionel Messi – xiddigga reer Argentine ayaa kabtanka u ahaa Barcelona saddex xilli ciyaareed laakiin maqaam kaa la mid ah kuma haysto Paris.

Tan kale, Mbappe ayaa mid ka mid ah dabbaaldegii goolashiisii final-kii Koobka Adduunka ku hor sameeyey Messi, taasoo muujinaysa xiisadda sii xoogaysatey ee u dhaxeysa labadooda xilli Messi uusan waxba ka qaban arrimo uu goolhayaha Argentina sameeyey oo ka dhan ahaa Mbappe.

Haddii lasoo koobo, Mbappe waxay horay isugu il xumaayeen Neymar Jr, kaddib Messi haatanna Kimpembe oo ay sidoo kale isku il xun yihiin macallinka PSG.

Hadalsame Media