Imisa CL ayay koox kasta haysan lahayd maanta haddii VAR la hirgelin lahaa 1955-kii? (Arag liiska cusub)

0

(Hadalsame) 26 Jan 2023 – Ururka Caalamiga ah ee Tirakoobka & Taariikhda Kubadda Cagta ayaa soo saaray liis cusub oo ay ku sheegayaan sida ay kooxuhu maanta u kala haysan lahaayeen Koobka Horyaallada Yurub.

Taxan cusub ayaa lagu dhisay haddii meesha laga saaro khaladaadkii saameeyey go’aamada garsoorka ee dhacay iyo haddii lagu saxi lahaa aaladda kaalmaysa garsooraha ee iminka la adeegsado ee VAR.

Waxaa liiskan cusub ee VAR-ka lagu saleeyey aan waxba ka helin kooxda ugu koobabka badan CL ee Real Madrid oo 5 qura ka heshay tiiyoo ay haatan haysato 14 CL oo rikoodh jebis ah.

Kooxda AC Milan oo ah midda kusoo xigta oo haysata kala bar ka yar inta ay qaadday oo ah 7 CL ayaa qiimayntan cusub ka heshay 8 CL, halka Barca oo 5 haysata 7 la siiyey, balse Bayern Munich iyo Reds ayaa min 6 haysta min 6 ayaana VAR-ku siiyey.

Hadalsame Media