Fadeexadda Juventus oo lugaha lasoo gashay Ronaldo (Magacyada laacibiin kale oo ganaax mudan kara)

0

(Hadalsame) 26 Jan 2023 – CRISTIANO RONALDO ayaa lagu soo warramayaa inuu wajahayo ganaax kadib markii uu ku kacay fadeexad ku aadan mushaarkiisa oo dhan £79 milyan oo ginni.

Taasina waxay salka ku haysaa iyada oo la sheegayo inuu ka mid ahaa 22 ciyaartoy oo “ay mushaar aan la shaacin siinaysey” kooxda Talyaaniga ah ee ceebaysan ee Juventus.

Juventus ayaa waxaa lagu soo rogey ganaax dhan 15-dhibcood ah gudaha Serie A kaddib markii dacwad oogayaashu ay ku heleen dembi la xiriira jebinta xisaabaadka iyo cayilinta raasumaalka soo gala.

Dadka uu ganaaxani durba saameeyey waxaa ka mid ah Agaasimaha Isboortiga ee Tottenham ee Fabio Paratici ayaa laga mamnuucay kubbadda cagta, balse Mirror ayaa haatan sheegaya in ciyaartooyda qaar ay sidoo kale ganaax mutaysan karaan.

Waxaa la sheegay in laacibiin ay ka mid yihiin Ronaldo, Giorgio Chiellini, Matthijs de Ligt iyo Paulo Dybala la siiyey mushaaraad daan la gelin “buugaagta xisaabta” rasmiga ah intii lagu guda jirey aafada Covid.

Ronaldo ayaa la sheegay in la siiyey £79.5m inkastoo uu ogolaaday in dib loo dhigo kaliya £17.2 milyan oo ginni. Waxaana laacibiinta lagu qabsan karaa inay wax ka ogaayeen dembigan.

Hadalsame Media