Xisbiyada Sweden hoggaamiya oo isku khilaafay Qur’aan gubista & RW iyo SD oo ay ka dhex tafatay & E-mail la helay (Turkiga oo gebi ahaanba joojiyey wada hadalladii codsiga Sweden ee NATO)

0

(Stockholm) 25 Jan 2023 – MW Turkiga ayaa ilaa amar dambe kansalay wada xaajoodyadii uu kula jirey dalalka Sweden iyo Finland oo doonaya inay ku biiraan NATO, iyagoo sheegay inaysan taageeri doonin codsigooda. Halkan ka dhegeyso warbixin ku saabsan halka uu khilaafku salka ku hayo.

Sababtu waxay tahay mudaaharaadyadii ka dhacay Turkiga ee looga horjeedey gubitaaanka Qur’aanka oo uu sameeyey hoggaanka Xisbiga xagjirka ah ee Rasmus Paludan.

Haatan waxaa arrintaa fikirkiisa ka dhiibtey hoggaamiye xisbi ka mid ah isbahaysiga ay ka kooban tahay Xukuumadda midigta u janjeerta ee Sweden.

”Waa ay xanuun badan tahay in la arko ficillo caqabad kugu noqonaya qof ahaan, iyada oo aan loo eegin diintayda, jagadayda ama ra’yigayga siyaasadeed. Sweden waa lagu caayayaa arrintan.” ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiga Liberaalka ee Johan Pehrson oo arrintan Qur’aan gubista ku tilmaamay nacayb ka dhan ah dad bulshada ka mid ah.

Kaddib dibadbaxii ka dhacay afaafka hore ee Safaarada Turkiga ee Sweden, sidoo kale Turkiga ayaa dibedbax ka dhigay afaafka Safaaradda Sweden ku leedahay magaalada Ankara iyo Qunsuliyada Guud ee magaalada Istanbul oo lagu gubey calanka Sweden ayaa Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan waxa uu ku dhawaaqay inuusan taageeri doonin codsiga Sweden ee xubinnimada NATO.

Waxaa hoggaanka L kasii horreeyey RW Sweden ee Ulf Kristersson oo ka tirsan Xisbiga M oo horay u muujiyey inuu ka xun yahay tillaabadan Qur’aan gubista ee ka socota Sweden oo uu ku tilmaamay mid ”xusmad darro ah.”

”Xoriyatul qawlku waa qayb asaasi ah oo ka mid ah dimoqraadiyadda. Laakiin wixii sharci ihi daruuri maaha inay habbboon yihiin. Kutubta quduuska ah ee milgada u leh dad badan in la gubo waa fal ixtiraam darro qoto dheer ah. Waxaan rabaa in aan u tacsiyeeyo dhammaan Muslimiinta ka xumaaday wixii maanta ka dhacay Stockholm.” ayuu yiri RW Sweden Jimcihii.

Balse waxaa ka daba qaatay hoggaanka Xisbiga cunsuriga ah ee SD ee Jimmie Åkessons oo e-mail uu diray ay heshay jariidadda Aftonbladet, kaasoo hadalka RW ku sheegay mid loogu debcayo wax uu ku sheegay ”diktatooriyadda Islaamiska.”

“Waxaan arrintan kala hadli doonaa Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ku dhawaaqi doonaa sida aniga iyo Xisbiga Sverigedemokraterna aan u aragno adeeciddda noocan ah ee loo muujinayo xoogagga Islaamiyiinta ah, gudaha iyo dibadda Sweden.” ayuu qoray hoggaanka Sverigedemokraterna.

Hoggaamiyaha Xisbiga ugu wayn Sweden ee Social Demokraterna oo haatan mucaarad ah ayaa sheegtay inaysan hadda waxba taraynin in erayo kulul isu adeegsadaan labada hoggaamiye, balse xal loo baahan yahay.

Hadalsame Media