ISKA JIR!! Booliiska Ingiriiska oo baafinaya nin galay 99 dembi & Astaamihiisa (Haddii tahay Soomaali magaaladan jooga ha u dhowaanin balse soo sheeg)

0

(Hadalsame) 25 Jan 2023 – Booliiska Ingiriiska ayaa ugaarsanaya nin tilmaamo gaar ah leh oo ay kala bar maqan tahay dhegtiisa midig, iyadoo lala xiriirinayo ‘dembi culus’.

Dadwaynaha ayaa looga digey in ay u dhowaadaan ninkan, Dale Poppleton, 41-jir, oo ah reer Bradford, West Yorkshire, kaas oo ay rabaan mas’uuliyiintu iyadoo la og yahay in uu xiriir la leeyahay dembiilayaal jooga woqooyiga England.

Booliiska Galbeedka Yorkshire ayaa sheegay in Poppleton si fudud loo aqoonsan karo sababtoo ah wuxuu leeyahay ‘dheg nus maqan yahay’ oo ku taal dhinaciisa midig.

Poppleton ayaa waxaa lagu calaamadiyey inuu yahay ‘dembiile dhamays ah’ sanadkii 2020, markaasoo lagu xukumay seddex sano iyo sagaal bilood oo xabsi ah tuugannimo darteed.

Intii ay socotey dhegeysiga Maxkamada Bradford Crown Court waxaa Poppleton lagu helay 19 xukun oo hore oo khuseeya 99 dembi oo uu galay. Waxa lagu tilmaamayaa inuu yahay nin caddaan ah, dhisme ahaan dhexdhexaad ah oo dhererkiisu yahay 6 cagood. Qofkii arkaa hasoo waco lambarrada deg degga ah ee 999 ama 101.

Booliiska Galbeedka Yorkshire ayaa leh: ‘Aad ayuu dadka uga soocan yahay sababtoo ah waxa uu leeyahay dhegta bar maqan yahay (dhinaca midig).”

Dadka waxaa looga digayaa inay u dhowaadaan ninkan. Haddii aad tahay Soomaali meelahaa jooga waa inaad u war lahaataa iskase jirtaa.

Hadalsame Media