XOG: Shirka aayo ka talinta SSC oo furmaya & 2 shuruudood oo kasoo bixi kara

0

(Laascaanood) 24 Jan 2023 – Waxaa lagu wadaa in magaalada Laascaanood ee gobolka Sool uu ka furmo shirka Aayo ka Tashiga dadka degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn maalmaha foodda inagu soo haya.

Wali waxaa magaalada ku soo qul qulaya isimada dhaqanka deegaanka, kuwaas oo la filayo in ay soo dhammeystirmaan maalinta berri ah oo uu ku soo biiri doono Garaad Maxamed Garaad Abshir.

Shir-weynaha Aayo ka Tashiga deegaanada SSC ayaa la filayaa in laga soo saaro laba qodob kuwaas oo kala ah

1 – In Isimadu ku dhawaaqaan in degaanadan aysan ka tirsanayn maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, sidaas daraadeedna ay ku soo saareen qaraaro jadwaleysan oo loogu dhisayo maamul ay u madax bannaan yihiin dadkeeda, kana tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

2 – In lagu faro ciidamada maamulka Somaliland ee fariisimaha ku leh qeybo ka mid ah gobolka Sool ka baxaan oo ay ku laabtaan deegaanadii ay markii hore ka soo duuleen.

Isimada iyo guddiga 33-da ka kooban ee loo xil-saaray aayo ka talinta SSC waxa ay ugu dambeyn soo saari doonaan waqti cayiman oo ay tahay in ay ku baxaan ciidamada Somaliland, waqtiga waxaa la filayaa in uusan ka badan 30 maalmood.

Sida xogaha hoose ee shir-weynaha sheegayaan, haddii ay waqtigaas ku bixi waayaan, isimada waxa ay ku baaqi doonaan in awood ciidan lagu saaro.

Dhammaan arrimahan ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada Somaliland ay xasuuq ka geysteen magaalada Laascaanood kaddib markii uu qarxay kacdoon ay dadka deegaanka uga soo horjeedaan maamulka gooni u goosadka ah.

W; D: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media