XOG: Ibrahimovic oo ciyaaraha ka fariisanaya & Xil durba u diyaar ah (Nooca & Halka uu ka qabanayo)

0

(Milano) 24 Jan 2023 – Sida laga soo xigtey warqaadka La Gazzetta dello Sport ayaa waxa la sheegayaa inuu ciyaaraha ka fariisan doono oo uu kabihiisa wari doono kaddib xilli ciyaareedkan.

41-sano jirkan ayaan weli ciyaarin fasalkan sabab la xiriira dhaawac jilibka ah, sida laga soo xigtey wargayska – oo uu warka kasii qaatay Fotbollskanalen – waana mid aan macquul ahayn inuu xiddiggan caalamiga ah ee reer Sweden uu u diyaar u noqdo kulanka CL ee ay wareegga 16-ka Tottenham ku wajahayaan Febraayo 14-keeda.

Zlatan ayaa lagu tilmaamay “inuu muhim usii ahaan doono kooxda” balse waxa marka hore looga fadhiyaa inuu ka fariisto ciyaaraha.

Waxaana la filayaa inuu ku sii sugnaado magaalada Milano oo uu ku sii joogo kaalin maareeyannimo, gaar ahaan Maareeyaha Kooxda.

Zlatan weli kuma dhawaaqin inuu ka fariistay xulka qaranka Sweden ee Blågult, laakiin uma ciyaarin xulka Buluuga iyo Jaallaha tan iyo 11 daqiiqo oo uu la dheeley Poland ciyaartii final-ka ee isreebreebka Koobka Adduunka bishii Maarso ee sanadkii hore.

Hadalsame Media